Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee la dagaallanka Lacag dhaqidda iyo ka hortagga Maalgelinta waxa loogu yeero Argagaxisada (AML/CFT).
Ugu horreyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddiga dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee Al-shabaab.
Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxa ayna sheegeen in la daciifiyey awooddii ay u lahaayeen urursiga lacagaha ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah; furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo dhanka milatariga, waxa uuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.
Dhanka kaale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisul XFS Xamse Cabdi Barre ayaa kormeeray xarunta hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka.