Guddiga Amniga iyo difaaca ee Aqalka Sare oo kulan su’aalo waydiin ah la yeeshay Wasiirka Amniga Soomaaliya

Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare ee BJFS ayaa maanta xafiisjooda ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Axmed (Doodishe) iyo Maxamed Cali Xagaa Wasiir dowlaha Wasaaraddaas.

Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadka ka saran korjoogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa kulanka ay maanta la qaateen Masuuliyiinta Wasaaradda Amniga, waxaa la isku dhaafsaday su’aalo iyo warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee Wasaaradda, taas  oo uu Wasiirku si faahfaahsan xubnaha Guddiga warbixin uga siiyay ugana jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare Senator Adam Cabdinaasir oo kulanka Shir gudoominayay ayaa Mas’uliyiinta Wasaaradda Amniga uga mahad celiyay sida togan oo ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda, iyadoo la isku afgartay in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo dardar geliyo shaqada Qaranka.

Guddi hoosaadyada labada Aqal ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Aqalka Sare ayaa wada muddooyinkii ugu dambeeyey kulamo ay la yeelanayeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada kuwaas oo ay su’aalo ku waydiinayeen.