Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoob oo maanta shir guddoomiyay Shirka 26aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoob ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka 26aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana shirka ku weheliyay Guddoomiye ku xigeennada Golaha Shacabka.

Kulanka 26aad ee Guddiga Joogtada oo ajandihiisu ahaa habraaca ansixinta wax ka bedelka dastuurka KMG iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga ayaa dood dheer kadib waxey isku raaceen in la ajandeeyo habraaca, heshiiska horyaala iyo hindise Sharciyeed-yada ay Xukuumadda u soo gudbisay Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.