Saraakiisha horkaceysa howlgalka lagu xoreeynayo Gobolka Galgaduud oo soo saaray Amaro ka dhan ah Shacabka deegaanadaasi ku nool.

Saraakiisha horkaceysa howlgalka lagu xoreeynayo Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Galgaduud ayaa shir ay ku yeesheen duleedka degmada Galcad waxa ay soo saareen amaro ku socda shacabka ku sugan deegaanada uu howlgalka ka socdo iyo kuwa dhulka ay dagan yihiin uu ku wajahan yahay howlgalka.

Shirkaan oo uu shir gudoominayey Taliyaha Guutada 18-aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cumar Cabdullahi ayna goobjoog ka ahaayeen taliyeyaasha ururada kumaandooska Gorgor, Danab iyo saraakiisha hogaaminaysa ciidanka deegaanka ayaa waxa kazoo baxay awaamirtaan.

1-in aysan Shacabku la macaamilin Kooxda AS shacabka si ay uga badbadaan duqaymaha iyo dagaalada lagu bartilmaameed sanayo Kooxda

2- in ay shacabku ka fogaadaan goobaha Khawaarijta AS joogto si ay uga nabad galaan Duqeeymaha iyo dagaalada

3-In ay Bulshadu la shaqeeyaan ciidanka oo soo gudbiyaan xogaha Khawaarijta iyadoo la qarinayo xogtooda

4-Shacabka ku nool goobaha ay howlgalada ka socdaan ee gobolka Galgaduud iyo kuwa deegaanadooda lagu socdo ha u diyaar garoobaan in ay iska dulqaadaan Khawaarijta arxanka daran.