Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shirar gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka ka dhan ah ee lagaga xoreynayo kkooxda Alshabaab deegaannada iyo Degmooyinka ay kaga harsan yihiin Galmudug.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Dowlada Goboleedka Galmudug ay laf dhabar muhiim ah u yihiin qorshaha Xoreynta iyo ka ciribtirka AS isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidamada kala duwan ee XDS
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee hortaagan manta Galmudug ay tahay Kooxda Al-Shabaab si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna.
Dhankooda, odayaasha dhaqanka Dowlada Goboleedka Galmudug ayaa ka ballan qaaday in ay Madaxweyne Xasan ku garab istaagayaan sidii looga guulgaari lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Dowlada Goboleedka Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.
