Shir looga hadlayey dardargelinta amniga Muqdisho iyo Dagaalka ka dhanka ah Kooxda AS iyo Maandooriyaha oo ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka Amniga XFS Maxamed Sheekh Cali Doodishe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Shir looga hadlayey dardargelinta amniga Muqdisho iyo Dagaalka ka dhanka ah Kooxda AS iyo Maandooriyaha la qaatay Saraakiisha Laamaha kaladuwan ee Amniga iyo dhammaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliska Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Police Millitary iyo dhamaan saraakiisha ka shaqeysa Laamaha Amniga Caasimadda Muqdisho.

SKulankaan ayaa la isla gartay in la dardargeliyo Awaamiirtii horey ugu soo baxay Madaxda Dowladda oo ay ugu horeyso Xakameynta Hubka iyadoona qofkii ku xadgudubta awaamiirtaasi lala tiigsan doonno Maxkamadaha ku shaqada leh, Dagaalka ka dhanka ah AS  Maandooriyaha, Wacyigelinta Bulshada iyo in la xoojiyo Wada-shaqeynta ka dhaxeysa Bulshada Caasimada iyo Laamaha Amaanka.

Ugu daneyn Shirkaan ayaa lagu booriyey Doorka Hogaamineed ee Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dagaalka ka dhanka ah Uruka AS si dagaalkaasi loogu guul gaarana ay muhiim tahay in Bulshada Caasimadda ee doorkooda ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxaha Nabad diidka ah.