Sharciga Caruurta Soomaaliyeed oo ay maanta lagu ansixyey Kulanka Todobaad laha ee Golaha Wasiirada XFS

Kulan Todobaad laha ah Golaha Wasiirrada Dowlada  Federaalka Soomaaliya isla markaasina oo uu guddoomiyey Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu meel mariyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed uu goluhu u arkay inuu muhiim yahay asaxintiisa.

Sharciyaan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul aadamaha ayaa ah mid ilaalinaya xuquuqda caruurta Soomaaliyeed, meeshana ka saaraya wax walba oo ku xadgudbaya xuquuqdooda.

Golaha ayaa warbixin kusaabsan amniga guud ee dalka iyo wajiga 2-aad ee howlgalka ka dhan ah kooxaha Al-sjhabaab  halka uu marayo laga dhageystay Wasaaradaha kala ah Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Golaha ayaa bogaadiyey billowga wajiga l2-aad ee howlgalkan oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo meelaha kale ee ay ku harsan yihiin.

Sidoo kale, Golaha ayaa la horkeenay warbixino la xiriira Guddiga Qiimaynta Amniga Xarumaha Dowladda, Qorshaha Dardar-gelinta Dakhliga Gudaha iyo Hannaanka mideynta kormeerka & Qiimaynta Qaran ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigeen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.