AQRISO:Dib u heshiisiin laga gaaray Colaadii dhextaalay Laba beelood oo walaala ah oo wada dega G/shabeelaha dhexe.

Waxaa caawa deegaanka Burka Diirimeed kusoo gaba-gabeeyay Shir Dib u Heshiinsiineed oo u dhaxeeyay Beelo Walaalo ah oo wada dega degmooyinka Cadale iyo Aadan Yabaal oo tabasho soo kala dhex gashay.

Madasha waxaa goob jog ka ahaay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo in dhawaalaba garwadeen ka ahaayeen nabadeyntaan,

Heshiiska ay ku gaareen labadan beel ee Walaalaha ah sidoo waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Gudiga Nabadeynta, Culimo u diin iyo Nabadoonada labada beel.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tilmaamay in guul wayn ay tahay in labada beeoodl ee walaalaha ay ka heshiiyeen oo ka xaal tameen dhibkii ka dhex dhacay loona baahan yahay in la ilaaliyo nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada si loo gaaro horumar bulsho, loogana baaqsado dib u dhac ku yimaada bulshada.