Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ahna
Duqa Caasimada Mudane Cabdirahman Cali Ali Maxamed ” Geeda Qorow” ayaa shir Gudoomiyay shirka khamiislaha Ee shaqaalaha D/Hoose.
Shirka waxaa Goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Degmada Mudane Cabdisamad Salaad Aadan ”Sanweyne” Xoghayaha Dowladda Hoose Cabdisalam Caabi Aadan, Shirkan waxaa warbixin looga dhageystay shaqaalaha Dowladda Hoose, oo ka warbixiyay habsami u osocodka shaqada xaafiisyada.
Gudoomiyaha ayaa u mahadceliyaya dhaman shaqaalada Dowladda Hoose sida hufan oo ey bulshadda ugu adeegaan, waxaana uu Amray in la dardar galiyo howlaha Hortabinta u leh hormarinta Caasimadda , iyo sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada ey ubaahanyihiin.