Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ooislamarkaasina uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay Madaxda iyo howlwadeenada ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed oo Dhuusamareeb u soo gaaray garab istaagga ciidamada qaranka qalabka sida ee ku jira dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta
Madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta Hiil iyo Hoo ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isaga oo ku bogaadiyey in ay laba jibaaraan kaalintooda ku aadan halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay kooxdu kaga dhuumaaleysaneyso Galmudug iyo guud ahaan dalkeenna.
Dhankooda, haweenka Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galayey ayaa la wadaagay Madaxweynaha Tala bixinta iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka loogu sifeynayo kooxaha argagaxisada, iyaga oo dhankooda ballan qaaday in ay garab joogi doonaan wiilashooda qaybta ka ah halganka dalka lagu xoreynayo kuwaasi oo naftooda u huray dhulkooda hooyo.
Sidoo kale Kualnka waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Federalka Soomaaliya, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuumada Federalka Soomaaliya, Wasiirka haweenka Galmudug iyo Agaasimaha Wacyi galinta Bulshada ee Madaxtooyada qaranka iyo Masuuliyiin kale.
DHAMMAAD.

