Mudanayaasha Baarlamaanka Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii 7-aad ee kalfadhiga Saddexaad ee Golaha Aqalka Sare kaasi oo ajandihiisu ahaa Aqrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Maaraynta Deegaanka iyo Aqrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS.
Kulanka uu shir gudoominayey Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyeen ku xigeennadiisa,
Ugu horrayn, waxaa la guda galay ansixinta sharciga Ilaalinta iyo Maaraynta Deegaanka ka dib markii gudigii ka soo shaqeeyay ay Sanatarrada la wadaageen xogta aqrinta saddexaad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada iyo sharciga, waxaana intaas ka dib codka kalsoonida siiyay 33 Sanatar mana jirin Mudane diiday ama ka aamusay.
Ajandahaas Asaxintiisu markay xirntay, waxaa la guda galay Aqrinta labadaad ee sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, waxaana dood iyo falanqayn ka dib la isla qaatay in sharcigaas oo muhiim gaar ah u leh dalka, isla maanta la meel mariyo soo jeedin katimid Sanatarrada qaar.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa cod geliyay soo jeedinta Sanatarrada qabay in islamaanta sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka aqrinta labaad iyo Saddexaad la marsiiyo, sidaas ayayna ku oggolaadeen Sanatarradii kulanka soo xaadiray maanta, waxaana intaas kadib la sameeyay ajande cusub oo lagu ansixinayo sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka, 32 Sanatar ayaa oggol ku codeeyay wax diiday ma jirin wax ka aamusna ma jirin, sidaas ayuu sharcigaas isna maanta loo ay u ansixiyeen Golaha Aqalka Sare.
Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Xukuumada Federalka Soomaaliya  Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Mudane Saciid Maxamed Cali, ayaa Guddiyadii la shaqeeyay iyo dhmmaan Sanatarrada Aqalka Sare uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay waajib gudashadooda uga qaateen sharciyada ay maanta ansixiyeen oo muhiim u leh Dalka
