Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS isla markaasine uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa diirada lagu saaray amniga guud ee dalka, si gaar ah waxa uu goluhu u meel-mariyey Heshiisyo is afgarad oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Labada dowladood Heshiiska ay wada gaareen ayey Golaha wasiiradu ay meelmariyeen, kuwaasi oo la xariira arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah.
Dhanka kale, qaar ka mid ah Wasaaradaha XFS ayaa laga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka sida Wasaaradaha Gaashaadhiga iyo Amniga Gudaha,isla markaasina soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee Ciidamada DFS ka sameeyeen Dalka gaar ahaan dagaalka ka dhan ah Kooxda AS.
