Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka iyo Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay gacanna ku xoreyneyso dalka, gacanna ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobollada dalka, uuna hormuud u yahay Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud.
Xamsa ayaa xusay in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, isla markaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo Sharaf. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.