Xiisad maanta ka taagan Degmada Abudwaq ee Waqoyiga Gobolka Galgaduud

Magaalada Cabudwaaq ee waqoyiga Gobolka Galgaduud waxa maanta ka tagan xiisad ka dhalatay xil ka qaadis ay qaaf kamida Xildhibaanada Golaha degaanka ee dagmadaa ku sameyeen Gudoomiyaha degmada iyo kuxigeenkisa 18 Xildhibaan oo kamida Xildhibaanada Golaha degaanka ee Cabudwaaq ayaa ku saxiisan Mooshinkaa.

Waxaana xilka qaadista Xubnahaan ay qilaaf ku dhex abuureen Xafiiska Madaxweyne ku xgeenka Galmudug iyo Wasiirka wasaarada Arimaha Galmudug oo kala tageeray labada dhinac

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka ayaa lagu yiri Madaxtoyada Galmudug gaar ahaan Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka waxaa u soo dhawaynaya kulanka Golaha Deeganka ee Dagmada Cabudwaaq ay Kalsoonida kala laabteen Gudomiyihii hore ee Dagmada Caabudwaaq iyo kuxigeenkisa.

Gudomiyahi hore waxaa uu ku fashilmay Shaqadi lo igmaday waxaana kalsoonida kala laabtay Xildhibanada Golihii Deeganka ee horay u doortay.

Dhinacakle waxaa iyana xilka qadistaan kasoo horjeesatay wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug waxaana war kasoo baxay lagu yiri

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug waxay ogaysiinaysa dhamaan Bulshada degmada Caabudwaaq iyo madaxwaynaha Dowladda Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaariye in aysan waxba ka jirin qoraalada iyo sawirada la soo galiyay baraha bulshada ee ka hadlahaya mooshinka iyo xilka qaadista madaxda degmada Caabudwaaq.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug waxay cadaynaysaa in ay been abuur tahay qoraalada lagu xusay xilka qaadista gudoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka degmada Cabudwaq.

Waxay sidoo kale wax kamajiraan kadhigaysaa in wax mooshin ah oo waafaqsan sharciga golaha deegaanka, dastuurka dowladda Galmudug, kor joogtaynta wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo xeerarka kale ee jira ay ka dheceen degmada Caabudwaaq.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayada oo fulinaysa sharciga golaha deegaanka ilaalinaysana dastuurka dowladda galmudug waxay tilaabo ka qaadidoontaa qaswadayaalkii ka dambeeyay been abuurka lagu faafiyay baraha bulshada.

Waxaa sidoo kale wasaaraddu haayadaha dowladda u gudbindoontaa masuuliyiinta kulugyeelata abaabulka iyo xasiloodidarada Golaha deegaanka degmada caabudwaaq.