Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho oo ku jooga dalka Qatar ayaa waxa uu booqasho ugu tagay Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
RW Xamsa iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa si weyn u darsay xaaladda guud ee dalka sida Aminiga, Dagaalka ka dhan ah ALshabaab iyo guulaha laga gaaray dagaalkaasi     Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo garab istaagiisa ee uu umuujyey madaxda haatan talada dalka haysa, Mudane Xamse ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed in doorka kaga aadan muujiyaan garab istaagga ciidamada ku howlanta ah ee iskugu jira Ciidamada kala duwan ee Xooga Dalka iyo kuwa dadka deegaanka sidii Kooxada Al-shabaab looga xoreyn lahaa guud ahaan dalka.
dhanka kale, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdillaahi “Farmaajo” ayaa uga mahadceliyey Ra’iisulWasaaraha iyo wafdigiisa wehliye booqashada iyo salaanta qiimaha leh ee ay ugu yimaadeen hooygiisa, waxa uu Farmaajo u rajeeyey dowladnimada iyo Hugaamin wanaagsan iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaara horumar iyo midnimo.