Khilaafka udhaxeeya Madaxda Ugu saraysa Galmudug ayaa xoogaystay kadib markii Ay isku qilaafeen Arimo la xariira habka loo wajahaayo Khilaaf soo kala dhexgalay Maamulka Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud
Waxaan Waraan Soo qabashaaa loo Jaray Gudoomiyihii Iyo kuxigeenkiisii Maalintii shalay ahayd lagu doortay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud
Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa waaran iyo amar ka soo saartay soo
qabashada iyo horkeenid maxkamada afar (4) Xubnood oo ka mid ah
Xubnihii Gollaha deegaanka ee Shalay Doorashada ku Qabtay Caabudwaaq.
Xubnahan Waxaa Ku jiro Gudoomiyaha iyo Ku xigeenkii Shalay ay iska
Doorteen Xildhibaanada Taageersan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug
kuwaas oo ay Maxkamadu ku eedaysay inay ku xadgudbeen Qodobo ka mid ah
Sharciga dawladaha hoose ee dawlad Gobaleedka Galmudug
Khilaaf Xoogaan ayaa soo kala dhexgalay Xubnaha Golaha Degaanka Degmada Caabudwaaq iyo Gudoomiyihii Degmadaasi
Taas oo ugu danbayn keentay inay Kalsoonidii kala laabtaan.
Khilaafkaan ayaa gaaray madaxda ugu saraysa Galmudug waxaana kahortimid wasaarada Arimaha Gudaha iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Halka uu taageeray Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Galmudug Taasi oo keentay Khilaaf Sookala dhexgalay Madaxweynaha Iyo kuxigeenkiisa.
Qaarkamida Xubnaha Golaha Degaanka oo taageero Kahelaaaya Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa shalay magaalada Caabudwaaq ku qabtay doorasho taasi oo ay Ku doorteen Gudoomiye Iyo kuxigeenkiisa.
Qaarkamida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo shirar kaladuwan qabtay ayaa Qarkood taagereen Doorashada Kadhacday magaalada Caabudwaaq halka kuwa kale ay ka hor yimadeen Waxaana ay eedayn Kulul ujeediyeen madaxweyne Kuxigeenka Galmudug kaasi oo ay shegeen Inuu Dab kusii shidaayo Khilaafka Maamulka Magaalada Caabudwaaq