Maamulka Magaalada Gerijir oo Xariga Kajaray Mashaariic Laga Hirgaliyay Degmadaasi

Gudoomiyaha Degmada Garijir Sakariye Cabdi Faarax (Dhalaweyn) iyo masuuliyiinta Hay’addaha IMO
CERF ayaa maanta xarigga ka jaray Mashaariicyo dhowr ah oo isugu jira dayactir Ceel biyood,iyo Dhismaha Haaman laga hirgaliyay degmada Garijir Ee Gobolla Hiraan.

Dayactirka lagu sameyay Ceelkaan oo dansanaa mudo Shan Sano ah ayna bulshadu ku dhib qabeen ayaa dadaalo ay sameeyeen Maamulka Garijir waxaa kasoo jawaabay Hay’addahaan waxaana maanta Suurta gashay in dib loo howl galiyo ceelka.

Waxgaradka magaalada oo goob joog ahaa Munaasinasibada xarig jarka ah ayaa ka mahadceliyay hormarinta Adeegga biyaha oo ahmiyad gaara u leh degmadaan oo ay ku xeeran yihiin degaano farabadan.