Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Dood adag Ka yeeshay Arimaha La xariira Mudo Korarsiga lagu eedeyay Madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullaahi Dani
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa markii u horreysey si furan uga doodey muddo-kororsi loo sameeyo xukuumadda Madaxweyne Deni – iyada oo kulan gaar ah oo ay maanta yeesheen Guddiga-joogtada ee golaha lagu soo hadal qaaday baahida loo qabo in muddo-kordhin laba sanno ah loo sameeyo hey’adaha dowladda, maadaama bay dheheen mudanayaasha [qaar] uu dalku ku jiro xaaladda gobolka Sool iyo muddada hadhay oo kooban.
Muddo dooddu socotey waxa gunaanadkii laysla qaatay in la sugo Madaxweynaha oo safar dibed ku maqan, sida tilmaamayaan ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.
Siyaasiyiinta mucaaridka Puntland ayaa hore xukuumadda Deni ugu eedeeyey in ay dimuqraadiyadda ugu xuubsiibanayso muddo-kororsi.