Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya oo Magaalada Dhuusamareeb Kulan kula qaatay qaar kamida saraakiisha CXDS

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  Ayaa Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalka ka dhanka ah AS.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu AS
Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda dagaalka ciidanka xooga dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kula jiraan AS uu u leeyahay jiritaanka dadka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo u dirir ah oo la mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankooda loogana soo horjeeday gummeystaha shisheeye.
“Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saraakiisha ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada uu dagaalku socdo ayaa kula dardaarmay in ay dadaalkooda meeshiisa kasii wadaan ayna laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah AS  iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed .