Shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Faderaalka Soomaaliya Ayaa kadhacay magaalada Muqdisho
Shirka ayaa looga Hadlay Arimo Badan oo ay Kamid Yihiin Dagaalka kadhankaa kooxda AS hishiisyada ay Dowlada Soomaaliya la gashay Wadamo ay kamid Yihiin Koofur Afrika Iyo Sacuudiga Carabiya
Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay dagaalka cadowga AS looga sifeynayo dalka, iyada oo lagu meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.
Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah AS iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan ciribtirka Khawaariijta gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sameeyey abaabul xoog leh oo ay ku muujinayaan in hadda la gaaray xilligii la iska tuuri lahaa heeryada AS dhiig miiratada ah, isagoo ugu baaqay ganacsatada inay qaataan doorkoodo codkoodana kor u qaadan.




