Dowlada sooaamliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjoogayaal katirsan kooxda AS

Dowlada soomaaliya ayaa war kasoo saaray duqaymihii iyo howlgaldii ugu danbeeyay ee dalka kadhacay kuwaas oo lagu beegsanaayo meelaha kooxda AS ay ka joogaan dalka

War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay saraakiisha ‘AS’ ee lagu dilay howlgallada ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle, xilalka ay hayeen & goobaha lagu beegsaday.

Dowladda ayaa sheegtay in illaa 7 xubnood lagu kala dilay Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud oo todobaadyadii u dambeeyay ay ka dhacayeen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ halkaasina ay ka dhaceen iska hor imaadyo & duqeymo.