Wararkii Ugu Danbeeyay ee Dagaalkii Gobolka Mudug

Dagaal xoogan Ayaa saaka kadhacay Degaano Katirsan Gobolka Mudug Dagaalka Ayaa Waxaa uu udhaxeeyay Ciidamada Xooga dalka Daraawiishta Galmudug iyo Ciidamada Dufaaca Shacab ee Macawiisleyda

Dagaalka Ayaa waxa uu kadhacay Degaano hoostaga magaalada Camaara ee Gobolka Mudug isagoona kusii Fiday Degaano dhowr ah

Ciidamada xooga dalka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Dadka degaanka ayaa xajiiyay inay La waregeen Gacan kuhaynta Magaalooyinka Camaarada Bacaadweyn

Ciidanka Xoogga dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo geesiyaasha difaaca shacabka ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo magaalada Camaara.
Wararka aan Camaara ka helayno ayaa sheegaya in AS ay hadda isaga carareen magaaladaan ka dib markii dhammaan difaacyadii magaaladaan ay ka ilaalinjireen lagu soo jabiyay.
Ciidanka Xoogga dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan daafaha magaalada, waxaana socda howlgallo sifayn ah.