Agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud, haatana ah musharax madaxweyne oo u taagan Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaas iyo doorashada kusoo foodka leh.
Musharax Xuseen ayaa weerar toos ah ku qaaday madaxweynaha hadda talada haayo ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, isaga oo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale in Al-Shabaab laga xoreeyo saddexda gobol ee maamulkaasi.
Xuseen Sheekh ayaa uga digay madaxweyne Laftagareen inuu isku dhajiyo xukunka, isaga oo wacad ku maray haddii isku dayo awood inay gacanta iskula tegi doonaan.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu uu hadda ka shaqeynayo inay rabshomka dhacdo Koonfur Galbeedm balse rabitaan shacab looga hor imaan doono.
“Maamulka hadda jiro wuxuu fak-fakanayaa in arrintaasi ay dhacdo annaga shacab aa nahay qoray kuma faaneyno, laakiin dad taageerayaal ah ayaan leenanahay oo shacab ah, iyagaa hadhow kacaayo, taas ayaa laga yaabaa inay rabsho sababto” ayuu sii raaciyay.
Hadalkan ayaa daba socda go’aankii u dambeeyay ee xubnaha mucaaradka ku gaareen shirkii Nairobi ee ku aadan doorashada koonfur Galbeed oo weli tallaab loo qaadin.