Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykank, halkaas uu uga qeyb galaya shirka Qaramada Midoobay ayaa codsi u dirsaday dunida, isaga oo sheegay in uu kulamo la qaadan doono Saaxiibada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in Soomaaliya xilligaan ay ku jirto dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo ka codsaday dunida in ay u dhisaan Ciidan tayo leh kuwaas oo amniga dalka kala wareegaya Ciidama ATMIS,
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa codsi ku saabsan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta u gudbisaday dunida, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku raagtay cunaqabateynta saaran taas oo saaran tan iyo 1992-kii.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dunida ka codsaday dhameestirka deynta lagu leeyahay Soomaaliya, taas uu sheegay in dhammaadka sanadka 2023-ka la filayo in Soomaaliya in laga cafiya deynta.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggamainayo ayaa ku sugan magaalada New York, isaga oo halkaas uga qeybgalaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.