Gudoomiyaasha Labada Gole oo Dib ugu Laabtay Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaasha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdixaashi Cabdullahi oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa  dib ugu  laabtay magalada Muqdisho ee caasimada dalka, ka dib safar qaatay laba maalin oo ay ku tageen magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Ciidanka Qaranka ku ammaanay dadaalka naf hurnimada leh ee dalka looga xorreeynaayo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, booqashada guddoonka ayaana daarneyd dhiiragelinta Ciidanka Qaranka iyo Madaxweynaha JFS oo ku hoggaaminayo dagaalka.
All reactions:

Abdifatah Ali Yare and 290 others