Warar kaladuwan ayaa kasoo baaxaya howlgal kooxda AS looga dilay Maleeshiyaad iyo horjoogayaal katirsan kooxda kaasi oo kadhacay magaalada ceelbuur ee gobolka galgaduud
Horjoogeyaal AS ah oo galabta lagu dilay Ceel-buur.
Ciidanka xoogga dalka ayaa beegsaday Goob ay ku shirsanaayeen Horjoogeyaasha AS oo ku taala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaas oo lagu dilay tiro Horjoogeyaal ah.
Hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa lagu laayey Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda AS oo ku shirayey guri ku yaala degmadaas.
ASÂ ayaa howlgalkaas ku weysay Horjoogayaal uu ku jiray Horjoogihii Maalliyadda AS ee gobolka Galgaduud oo lagu magacaabi jirey Sahal.
Taliyaha Guutada 26aad ee Xoogga Dalka G/le Ismaaciil C/maalik ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Qaranka in hawlgalkaan oo dhinaca cirka ah sidoo kale lagu laayey Maleeshiyaad ka tirsan AS kuwaasi oo la socday Horjoogeyaasha goobta lagu afjaray.