Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kulan la Qaatay Waxgaradka iyo Dubabka dhaqanka Koonfur-galbeed waxaana madaxweynuhu kala hadlay waxgaradka kaladuwan qorshaha dowlada dhexe ee ku aadan dagaalka kadhankaa kooxda AS wajigiisa 2aad oo lagu wado inuu ka bilowdo degaanada maamulka KGS iyo xoraynta guud ahaanba dalka sidii doorweyn uga qaadan lahaayeen .
Madaxweynaha ayaa la wadaagay duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo AS oo madaxweynuhu sheegay inay caqabad kuyihiin nolasha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay nolasha iyo nafiska ay dareemayaan dadka deegannada laga xoreeyey AS Ee Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.
Madaxweynaha ayaa sheegay in abaabulka dadweynaha, wacyigelinta dhibaatada AS iyo Adkeynta midnimada Bulsho ay aas-aas u tahay wajiga 2aad ee dagaalka lagu xoreynaayo dalka, taas oo ay doorka ugu weyn ku leeyihiin Waxgaradka, Odeyaasha Dhaqanka iyo Hay’adaha Dowlad Goboleedka Konfur-galbeed.
Dhankooda, Odayaasha iyo waxgaradka kulan ka qayb ahaa ayaa adkeeyey in ay ku garab taagan yihiin Madaxweynaha dagaalka ka dhanka ah AS iyagoo ku ammaanay ka go’anaanshihiisa Madaxweynaha ee ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo xor ka ah AS.
Sidoo kale, Duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed waxay soo bandhigeen in ay naftooda iyo maalkooda u hurayaan sidii uu miro-dhal unoqon lahaa wajiga 2aad ee dagaalka xoreynta dalka , maadaama dadka Koonfur-galbeed ay u hanqal taagayaan in ay iska xoreeyaan AS oo dhibaatooyin kaladuwan kuhayso oo kamid yihiin go,doominta maagooliyinka