Magaalada Baydhabo ayaa Markale lagu Toogtay Askar katirsan Qaybaha kaladuwan ee ciidamada Qalabsida
Dable ciidanka Xooga Yuusuf isaaq nuur ayaa maanta lagu toogtay Magaalada baydhabo ninkaan ayaa horay u dilay Marxuum mustaf xaaji xasan madkuus kadib meydkiisa Ceel-Biyood Ku riday
Sidokle Ex Dable Ciidanka booliska Adan maxamed Xasan Ibrahim oo ku magac dheer Boqol ayaa isna lagu Toogtay Magaalada Baydhabo Ninkaan ayaa horay u Dilay AUN Sheikh cali axmed oo 65 sano jir ahaa Dilka ayaana Yimid kadib markii Sheikh Dhintay uu isku dayay inuu isbaaro u Taalay askarigaan Gudaha magaalada Baydhabo ka waaniyo Balse Waxaa uu ugu amaal Guday Rasaas Taasi oo sababtay Geerida Sheikh Cali
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada baydhabo lagu Toogtay Dad Kaladuwan oo iskugu jira askar iyo shacab kuwaasi oo Horay Dilal u gaystay