SAWIRO:Dood Cilmiyeed mudo laba Maalmood ah socotay ayna soo qabanqaabisay Dalada warbaahinta Somalieed ee SOMA oo Dhusamareb lagu soo Gabagabeeyey.

Maalintii 2aad oo Dood Cilmiyeedka ay ku qabatay Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA magaalada Dhuusamareeb(SAWIRO)

Maalintii Labad ayaa Magaalada Dhuusamreeb ee Caasimada Galmudug waxa Lagu soo Gabagabeyey Dood Cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Dallada warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA Loogana hadlayey Badbaadada Suxufiyiinta, Xuriyada hadalka iyo helida Xogaha iyadoona dhinacyada Si waafi ah ay kaga Doodeen.

Dood Cilmiyeedkan waxaa maalintii labaad lagu casuumay oo marti ku ahaa, si ay su,aalo u weydiiyaan ka soo qeybgalayaasha, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cilmi Cali Ganeey, Abdirisaq Abdule Hassan Garsooraha Maxkamada Racfaanka Gobolka Galgaduud iyo Mohamud Osman Abdulle Beerey Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee GAJO.

Ugu horeeyn qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha Dooda maalintii 2aad oo iskugu jira wariyaal iyo Ururada Bulshada ayaa weydiiyey Martida ku casuumneyd madasha Su,aalo xariira mowduucyada laga doodayey oo ahaay Badbaadada Suxufiyiinta, Xuriyada hadalka iyo helida Xogaha ka jira deegaanka si Bulshada loogu gudbiyo Warar iyo Warbixino ku saleysan Xaqiiqda.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cilmi Cali Ganeey ayaa sheegay in ay jiraan wax badan oo u baahan in wax laga qabto, oo ay ugu horeyso in loo helo aqoon kororsi wariyayaasha Galmudug loogana bahanyahay Dowlad Goboleedka Galmudug gaar ahaan wasaarada Warfaainta in ay u fudideyso arinkaas, ka Gudoomiye ahaane uu diyaar u yahay ka shaqeynta wariyaasha la xiro sidii Loo sii deyn lahaa, marar badane uu ka qeyb qaatay in ay dib u helaan madax banaanidooda.

Abdirisaq Abdule Hassan Garsooraha Maxkamada Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa asne dhankiisa tibaaxay sida sharciga ah, oo ay tahay in loo maro xariga qofka eedeesanaha ah, Saraalka wax soo xiraya, waxaa waajib ku ah, in uu marka hore tago Maxkamada kadibna uu waaran u siiso maxakamadu, soo qabadhada qofkaan saabbata losoo qabanayana uu Maxkamada u cadeeyo, markaas kadibna ay o golaado in lasoo qabto, sax mahan ayuu yiri Garsooraha, in wariyaha inta loo yeero xabsiga lagu tuuro, xeerka ciqaabta Somaliyeed waxaa uu tibaaxaa in qofka laxariiyo loo sheego in la xiraa, loona sheego Sababta loo xirayo, 24 saac gudahoodna Waa in qofka la xiraayo maxkamad lagu horgeyaaa.

Ugu dambeyn Mohamud Osman Abdulle Beerey Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee GAJO ayaa sheegay in wariyaasha ay ku adagtahay in ay helaan xog Sidii larabayna aan loo baahin xogihii Galmudug dowladana aysan ujabjabneen ahmiyada ay ledahay warbaahinta, waaana isagoo Taas u sababeeyay fahan yare heysta Masuuliyiinta Galmudug
Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA ayaa Dood Cilmiyeed la mid ah kan maanta lagu soo gabagabeeyey Caasimada Dhuusamareeb waxa ay ku soo qabaatay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.