XOG:Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada kulan kula qaatay Quburo Milatari oo socday Dowlada Turkiga.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa  Madaxtooyada ku qaabilay khubaro dhanka milatari iyo saraakiil sarsare oo ka socday Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga, Madaxweyne Xassan ayaa uga mahadceliyey Masuuliyiinta uu kulanka la qaatay doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiyeed iyo dagaalka ka dhanka Kooxda Alshabaab.

Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli, iyadoo lagaga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada milatariga ee labada dal, muhiimadda taageerada Dowlada aan walaalaha Turkiga ee howlgalka dib u xoreynta iyo qorshaha tababarrada Ciidamada kala duwan ee Soomaaliyeed oo ay leyliyaan khubarada milatariga Turkiga ah.

DHAMMAAD.