maxay kawada hadleen Xasan sheikh iyo dhigiisa dalka jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kaga qeyb-galaya Meertada 41-aad ee Urur-goboleedka IGAD ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo marti-gelinaya shirkan.
Labada Madaxweyne ayaa iska waraystay xaaladda gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo nabadda gobolka.
Madaxweynaha oo dalka jabuuti u gaaray ka qayb galka shirka urur goboleedka IGAD ayaa halkaasi kula kulmey masuuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha jabuuti iyo kuwa kale oo shirka kasoo qayb galay.
All reactions:

68