Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo ay xubno ka tirsan Al-Shabaab xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaal toos ah ayaa xigay weerarka, kaas oo u dhexeeyay Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyo ciidamada Uganda ee ku sugnaa halkaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer.
Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaasi waxa ay shaacisay inay ekeysay xerad ATMIS, isla markaana ay ku dishay askar ka tirsanaa Uganda, sida ay hadalka u dhigtay
Xeradaan Oo Ku Taala Gobolka Shabeelada Hoose ayaa Kooxda AS ay dhow jeer Werar kuqaadeen kaasi Oo ay Ka dhasheen khasaaroooyin kaladuwan Waxaa u danbeyay werar Kooxda alshabab lagu jabiyay oo ay Bishii November ku qaadeen Xeradaan