Ciidamada xooga dalka oo cagta mariyay Fariisimo kooxda AL-Shabab ku lahaayeen Koofur Galbeed Soomaaliya..

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta dalka.

Howlgalladan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf iyo Taliyaha Ururka 260-aad, Onkod Macalin Aadan, waxaana ay ciidamadu ku gaareen deegaanka Dhurey iyo tuulooyin kale oo u dhow degmada Waajid.

Saraakiisha howlgalllada sameeyay ayaa sheegay inay burburiyeen saldhiyo ay kooxda ku lahayd halkaasi, ayna gaarsiiyeen khasaare culus, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhankiisa guddoomiya degmada Waajid Maxamed Macallin Yuusug oo ka hadlay howlgalada ayaa sheegay in haatan ay diyaar u yihiin ka qeyb-galka wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee la filayo inay ka billowdaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Maxamed Macalin ayaa sidoo kale farriin u diray dadka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay ciidamada huwanta ku taageeraan dagaalka adag ee ay kula jiraan Al-Shabaab.

Degaanada maaamulka koofur galbeed soomaaliya waxaa si xowli ah uga socda howlgalada hordhaca u ah wajiga 2aad ee dagaalka ka dhankaa kooxda AS oo lagu wado inuu dhawaan ka bilowdo koofur galbeed oo kamida maamulada ay AS KU xoogan yihiin degaanadooda