Miisaaniyada Sanadka Cusub ee dowlada oo la shaaciyay…

Baarlamanka federaaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda sanadka cusub ee 2024 taas oo gaareysa hal billion, iyo labaatan iyo shan milyan oo dollar, waana markii ugu horreysay abid ee ay miisaaniyadda dalku gaarto wax ka badan hal Billion oo dollar. Taas oo ka dhigan koror gaaraya 92 milion ama 10% marka lala barbardhigo miisaaniyaddii sanadka sii dhamaanaya ee 2023ka oo ahayd 922.6 milion oo dollar.

Hase ahaatee dhakhliga guud ee la filayo in uu soo xaroodo sanadda 2024ka ayaa ah 986.7 Milion oo dollar. Waxa uuna 38.8Milion ka hooseeyaa kharashaadka guud ee bixi doona sanadka 2024ka, kaasoo lagu qaddaray 1,025.2 Biliion oo dollar.

Dakhliga gudaha ayaa gaari doona 345.1 milion, waana 33.7% ee dhamaan miisaaniyadda guud, taas oo ka dhigan koror gaaraya 61.8 million ama 17.9% marka lala barbardhigo sanadka 2023 oo uu dakhliga guduhu ahaa 283.3 milion oo dollar. Waxa ayna miisaaniyadda guud ka ahayd 30.7%

Dhanka kale deeqaha dibadda oo sanadkii 2023ka ahaa 634 million oo doollar ama 68.7% ee miisaaniyadda guud ayaa 2024ka noqonaya 641.6 million oo dollar taasoo u dhiganta 62.5% ee miisaaniyadda guud ee 2024ka. Waxaana jira farqi gaaraya ilaa 38.5 million ama 3.7%  oo u dhexeeya kharashka miisaaniyadda iyo dakhliga miisaaniyadda 2024ka. Sida la qorsheeyayna waxaa la rajeynayaa in dakhliga guduhu kordho wax ka badan 3%

Mashaariicda dalka ka socota iyo kuwa la qorsheeyay in la billaabo 2024ka ayaa gaareysa ilaa 45 mashruuc, waxaana kala fulinaya Baanka Adduunka (WB) oo fulinaya ilaa 27 mashruuc, Baanka hormarinta Afrika (AFDB) oo fulinaya ilaa 10 mashruuc, qaramada midoobay (UN) oo fulineysa ilaa 5 mashruuc iyo midowga yurub (EU) oo fulinaya ilaa 3 mashqruuc, waxaana isu geyn mashaariicdaas ku bixi doonta kharash gaaraya 494.7 million oo dollar.

Xafiiska Reysalwasaaraha ayaa miisaaniyaddii 2023 hoos uga dhacay waxaana ka go’day lacag dhan 1 million oo dollar. Waxaase ku dhowaad 3 million lagu kordhiyay miisaaniyadda Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wasaaradaha ka shaqeeya ADEEGGA BULSHADA oo la isku yiraahdo, waxbarashada, caafimaadka, shaqada iyo arrimaha bulshada, ciyaaraha iyo haweenka ayaa miisaaniyaddooda hoos loo dhigay in ka badan 51 million taasoo u dhiganta in 21% ay ka hooseeyaan miisaaniyaddii 2023kii.

Hase yeeshee waxaa kor loo qaaday miisaaniyadda Wasaaradaha ka shaqeeya ADDEEGGA DHAQAALAHA oo ay ku jiraan; tamarta iyo biyaha, macdanta, beeraha, xanaanada xoolaha, kalluuleysiga, warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta, howlaha guud, gaadiidka, dekedaha, ganacsiga iyo degaanka, waxaana miisaaniyaddooda lagu kordiyay in ka badan 83 milliion oo dollar ama 36%.

Hay’adaha bixiya ADEEGGA DIFAACA IYO AMNIGA oo ay ku jiraan wasaaradaha gaashaandhigga, amniga gudaha, booliiska, ciidanka xoogga, nabadsuggidda, socdaalka iyo jinsiyadaha iyo maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa miisaaniyaddooda lagu kordhiyay in ka badan 29 million oo dollar ama 13%.

Miisaaniyadda dowladda ayaa sanad kaste waxa ay korortaa qadar cayiman wallow sannadihii u dameyay aanu kororku badneyn haddana marka lala barbardhigo 10 sano ka hor oo ay miisaaniyddu ahayd 216,230,043 million oo dollar, ayaa waxaa kuu muuqanaya sida miisaaniyadda dalku u kordheyso.