Aabe Xasan Cismaan Xaashi oo ah Aabaha Dhalay Labada wiil Oo Dhawaan lagu dilay degaanka ilix ayaa kahadlay dilka loo gaystay wiilashiisa aabe xasan cismaan Oo warbaahinta La hadlay ayaa Ugu baaqay bulshada Degaanka in Dhibku uusan intaasi dhaafin lagana War sugo gacmaha Cadalada Iyo Laamaha amniga.
Sido kale Waxaa uu sheegay inowsan Marnaba Uusan Raali ka ahayn in Wiilashaas iyadoo loomarayo wado qaldan Oo la Leeyahay waa loo araa Aan Dhib loo gaysan Qof Islaam ah Oo Aan waxba galabsan Sidokale waxaa uu Tacsi udiray Ehelka Iyo dhamaan Qaraabada.
Laamaha amniga Galmudug iyo maamulka degmada guriceel ayaa ku guulaystay inay Gacanta kusoo dhigaan eedaysanayaasha loo hayso dilka macalin libaan Xasan Cismaan Oo Ahaa macalin dugsi qur,aan iyo DR Axmed Xasan Cismaan oo ahaa dhaqtar ka howlgala xarumaha caafimaad ee degmada Guriceel.