Cabdi Macallin Cabdulle oo magaciisa afgarashadu yahay (Xamza), kana tirsanaa saraakiisha kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta 60-aad.
Xamza ayaa kooxda ka tirsanaa muddo 5 sanno ah, wuxuuna u qaabilsanaa dhanka Jabhadda, sida ay sheegeen saraakiisha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka.
Sidoo kale ninkan ayaa kasoo qayb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Baay, Bakool, Galgaduud, Hiiraan, Gado iyo Jubbada Hoose.
Weerarada uu ka qayb qaatay, waxaa kamid kuwa ka dhacay deegaanada kalaa Ceel Lahaley, Masagawaa, Buulle Burde, Jalalaqsi, Cowswayne, Daaru-nimca iyo Rabdhuure.
Sababta uu isku soo dhiibay ayuu ku sheegay inay tahay dhibaatada hadda ka dhex jirta Al-Shabaab iyo inuu u adkeysan waayey gulufka culus ee lagu hayo kooxda.
Maalmihii u dmabeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo baxaya Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhayay, waxaana sababta lagu sheegay dagaallada lagu qaaday.