Soomaaliya oo Saxiixdey ku Biiritaankeeda Ururka Bulshada Bariga Afrika…

Munaasabad ka dhacday aqalka looga arrimiyo Uganda ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud qallinka ku duugay kamid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musevani iyo mas’uuliyiin kale oo wakiilo kale oo ka socday Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa munaasabadda goobjoog ka ahaa iyaga oo bogaadiyay go’aanka Soomaaliya ee kamid noqoshada Dalladdaan.

Dalalka xubnaha ka ah ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo dib u raacay qiimeynta xubnaha ay u wakiisheen indha-indheynta codsiga Soomaaliya iyo in ay oddoros ku sameeyaan in ay u qalanto xubinnimada ayaa 1dii Deseembar 2023 u codeeyay aqbalidda codsigaas.

Soomaaliya waa Dalka 8aad ee xubin ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika waxa ay muddo dheer ay ku dedaaleysay sidii looga aqbali lahaa xubinnimada Dalladdaas oo ugu dambeyn rajadii ay ka lahayd la aqbalay.