Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa sheegay in sanadkaan dhammaadka ah ee 2023 laga dilay 37 Askari oo katirsan ciidamada Booliiska, Dilalkaan ayaa dhammaan loo geystay iyaga oo ku jira howlgallada qaranka sida hadalka loo dhigay.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha & Maamulka Qaran Kiture Kindiki ayaa sheegay in askarkaan la dilay ay ahaayeen geesiyaal qaranka usoo halgamay oo naf & waqtiba u huray si ay dalkooda uga difaacaan dad uu sheegay in ay dhibaato ku yihiin.
Waxa uu ku goodiyay in ay dhowaan qaadi doonaan howlgallo culus oo ka dhan ah dagaalamayaasha ‘AS’ ee jooga deegaannada Kenya ee dhaca Xadka Soomaaliya si looga hortago qaraxyada & weerrada ay gaysanayaan.
Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay in ay wax ka baddelayaan qorshaha howlgalkooda amni sugidda ah, waxa ay Dadka deegaanka ka codsadeen in ay ka gacansiiyaan si looga hortago qaraxyada iyo weerarrada uga imaanaya dhinaca ‘AS’.
Kenya ayaa sanadii ugu danbeeyay waxaa ku badanayay weerarada kaga imaanaya kooxda al-shabab ee ka dagaalanta gudaha soomaaliya waxaana ay intabadan weeraro ku qadaan gobolka soomaalida ee waqooyi bari.