Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ayaa Dowlad-Goboleedyada Puntland & Jubbaland u dirtay Gargaar si gaar ah dhowaan uga yimid Dowladda Federaalka Ruushka oo loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska saameynta taban ku reebtay xaaladda El-nino.
Labo Doon oo lagu raray Gargaarkaan kana shiraacday Magaalada Muqdisho ayaa loo kala diray Kismaayo iyo Garacad si Dowlad-Goboleedyada Puntland & Jubbaland ay ugu simaan gacanta dadka u baahan gargaarkaan ee Hay’adda SODMA u dirtay.
Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ayaa sheegay in gargaarkaan uu qayb ka yahay gacan-qabashada Dadka ku dhibaateysan Gobollada Dalka ee saameynta taban ku reebeen Daadadka Roobka Dayrta iyo Fatahaadda Webiyada.
Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in deeqdaan oo ah Qamadi ka yimid Ruushka ay gaareysay 53,045 loor u dhiganta 2,387 tan oo lagu qaaday labada doon Dowlad-Goboleedka Jubbaland loo diray si ay caawinaad ugu noqoto 54,000 oo qoys.
Dhanka Dekedda Garacad Dowlad-Goboleedka Puntland ayuu shaaciyay in loo diray 18,892 loor oo u dhiganta 850 Mitiri tan oo caawin karto 17,000 oo qoys oo kamid ah Qoysaska saameynta taban ay ku reebeen xaaladaha ka dhashay El-nino.
Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa tilmaamay in doonta loo diray Dowlad-Goboleedka Jubbaland ay noqoneyso doontii labaad halka tan Dowlad-Goboleedka Puntland ay ka dhigan tahay markii ugu horreysay waxaana uu rajeeyay deeqo kale in loosoo gacan-geliyo.
Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ayaa horay gargaar bani aadamnimo waxa ay u geysay Deegaanno katirsan Dowlad-