Kooxda Al-shabaab oo isku Qoys Ku Dishay Waqooyi Bari Kenya..

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta qarax miino oo dhulka ay ku aastay ku dishay saddax qof oo isku qoys ahaa.

Qaraxaas ayaa haleelay gaari ay saarnaayeen dadkaas isku qoyska ah, xiili ay marayeen deegaanka Eegay uu dhexeeya magaalooyinka Gaarisa iyo Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weriyaal ku sugan Gaarisa ayaa sheegay in dadka qaraxa miinada ku dhintay uu ka mid ahaa Ugaas Amiin Ugaas Xasan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka Soomaalida ee dalka Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la aaminsan yahay inay geysatay qaraxaas, maadaama weerarro dad badan ay ku dileen ay ka gaystaan gobolka NFD ee Soomaalida dalka Kenya.

Inta badan weerarrada Al-Shabaab  ee ka dhaca gobolka NFD ayaa waxaa lala beegsadaa ciidamada Kenya, sidoo kale marar qaar waxay weeraradaan saameeyaan dadka socotada ee deegaanka.