Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax ay maanta kooxda Al-Shabaab ka fulisay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Garissa iyo Xerada Dhadhaab, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.
Booliska Kenay oo war kasoo saaray qaraxaasi ayaa sheegay in miinadu ay haleeshay gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad shacab ah oo ku socdaalayay halkaasi.
Saraakiisha laamaha amniga Kenya waxa ay intaasi ku dareen in qaraxan uu qeyb ka yahay weeraro ay halkaas fuliso kooxda Al-Shabaab oo inta badan beegsata ciidanka dalkaasi.
Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo howlgallo ka wada agagaarka magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Kenya ayaa kamid ah waddamada la dagaala kooxdan, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan deegaanada maamulka Jubbaland.