Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Liibiya iyo Hay’adda Socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM ayaa wadajir u baadi-goobaya in ka badan 60 ruux oo tahriibayaal ah oo doontii ay la socdeen ku degtay xeebaha Dalkaas.
Xogta Dadkaan la waayay ayaa la ogaaday kaddib markii lasoo badbaadiyay qaar kamid ah dadkii la socday waxaana ay sheegeen in ay jiraan dad ka badan oo badda ku qaraqmay oo u baahan in lasoo badbaadiyo.
Hay’adda Socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM ayaa la wareegtay mas’uuliyadda dadka lasoo badbaadiyay si ay u diiwaangeliso una xaqiijiyo dhalashada Dalalkooda ugana shaqeyso sidii ay dib ugu celin lahayd waddankooda.
Diiwaanka Dadka tahriibayaasha ah ee isku dayay in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka ee ka tagay xeebaha Liibiya ayaa ka badan 2,200 oo ruux oo dhammaan kasoo jeeda Qaaradda Afrika, waxaa intaas dheer ay weli jiraan dad u xirxiranaya safarkaas halis badan ku hor gudban.