Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed General Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa booqday deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, kadib markii laga saaray Al-Shabaab.
Dayax oo khudbad ka jeediyay deegaankaas ayaa farriin culus u diray kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay isaga tagaan gobolka Mudug, maadaama lagu jebiyay.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in aysan dabka kusii shidin dhalinyaro u sheegay inay soo qaldeen, kuwaas oo ka barbar dagaalamay kooxda, sida uu hadalka u dhigay
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday doorka dadka deegaanka, wuxuuna sheegay inay u istaageen xoreynta deegaankooda.
“Dadkaan waa diideen in la qabsado, dadkaan waa diideen in diintooda iyo noloshooda lagu cabiidiyo, waxaan leenahay aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin, qof walba qoraygiisa ha qaato, gobolka Mudug waan ka saareynaa nimankan canaasiirta ah” ayuu sii raaciyay.
“Waajibaadkiinii aad Ummadda ugu adeegeyseen baad gudateen, waxaan idin leeyahay horay u socda waxyarbaa dhiman ee xididada u siiba” ayuu kusoo gabagabeeyay.