Wasaarada Difaac Dowlada Dhexe oo Ka hadashay bixitaanka ciidamada ATMIS ee Sanadkaan..

Wasaaradda gaashaandhigga XFS ayaa sheegtay in 3000 oo ka mid ah ciidanka ATMIS ay ka bixi doonaan dalka inta ka dhiman sanadkaan.
maanta ciidamada ATMIS ayaa baneeyay inta badan xarumaha dowlada faderaalka ee soomaaliya ugu muuhiisan sida Madaxtooyada iyo xarumo kale oo dhowr ah waxaana amniga xarumahaasi la wareegay ciidamada xooga dalka ee ilaalada arumaha dowlada.
Arintaan ayaana loo Arkayaa in ay bilow u tahay bixintaanka ciidamada midowga Afrika Oo ku dhawaad mudo 16 sano ah joogay dalka waxaana dowlada soomaaliya ay dhawan dalbatay in mudo Kusiman Sadddex Bilood Ay sii joogaan si ay u wareejiyaan meelaha ay kusugan yihiin ciidamada xooga dalka
May be an image of 10 people and text