AL-Shabaab oo lagala Wareegay Saldhigyo ay ku lahaayeen Gobolka Mudug….

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd koonfurta gobolkaasi.

Saldhigyadan oo ay muddo dheer ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ku yaalla isgoyska Cadaaley iyo balliga lagu magacaabo Dhagaxley, halkaas oo ay si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee loo yaqaanoa Macawiisleyda.

Goobaha ay la wareegeen ciidamada ayaa u dhow deegaanka Caad oo ay haatan ka socdaan howlgallada xoogooda, si Al-Shabaab looga saaro halkaas.

Ciidamada ayaa haatan kusii siqaya aagga buurta Yacgoos, halkaas ay oo ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab, waxaana ujeedka u yahay in laga xoreeyo dhulkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo koonfurta gobolka Mudug.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta