Ciidamada Xooga Dalka Kaabiga Kuhaya Magaalada caad..

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo culus oo saaka ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay saaka ka fuliyeen gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa saaka waxay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano muhiim ah oo dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Deegaanada ay ciidamadu la wareegeen ayaa kala ah Dhagax-dheer iyo Dahar-Cali xayloow, kuwaasi oo dhammaan hoostaga magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Maalin kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ay howl-galo lagu guuleytay ka fuliyeen goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay, lana wareegeen deegaano cusub.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray.