Ciidamada Xooga Dalka oo Madaafiic ku Garaacay Degaano ay Kusugnaayeen AL-Shabaab..

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ka dhacay koonfurta gobolkaasi.

Howlgalladan ayaa waxa barbar socday hoobiyeyaal ay ciidamada huwanta ku garaaceen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla agagaarka deegaanka Caad ee Mudug.

Ilo dadka deegaanka ayaa innoo sheegay innoo sheegay in madaafiicdaas oo aad kuwa xoogan khasaare uu kasoo gaaray kooxda Al-Shabaab, ayna ka carareen halkaasi.

Deegaanada ay ka baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Dhagax-dheer iyo Dahar-Cali xayloow, kuwaasi oo dhammaan hoostaga magaalada Caad ee gobolka Mudug, waxaana la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiisha ciidamada oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weli uu socdo howl-galka, isla markaana Shabaab-ka lagu baacsanayo dhulka howdka ah.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray..