Xubnaha Mucaaradka oo Aqbalay la kulan Xasan Sheikh..

Muqdisho toddobaadkaan waxaa lagu wadaa inay shir ku yeeshaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, shirkaas waxaa looga hadlayaa dooda ka taagan wax ka bedelka lagu sameynayo dastuurka.

Mucaaradka iyo madaxtooyada ayaa raba in la dhameystiro dastuurka, balse waxaa la isku diidan yahay qorshe uu Xasan Sheekh rabo in wax looga bedelo qodobada qaar.

Khamiista toddobaadkaan ayaa lagu wadaa in shirkaasi uu ka furmo Muqdisho, inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa Muqdisho soo gaaray.

Sheekh Shariif iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah ayaa qorsheynayey maalmahaan inay la kulmaan xildhibaanada, si ay ugu ololeeyaan in baarlamaanku diido qorshaha wax looga bedelayo dastuurka, gaar ahaan qodobada ay ku diidan yihiin Madaxweyne Xasan.

Caasimada Online, waxay ogaatay in Xasan Sheekh uu mucaaradka ka codsaday inay joojiyaan kulamada ay uga ololeynayaan qorshihiisa, ilaa inta uu kala kulmayo, una sharaxayo faa’iidada dalka ugu jirta hanaanka uu wax u rabo.

Sheekh Shariif ayaa shalay u amba baxay deegaanka Burkaderin oo hoos taga degmada Cadale, halkaas oo lagu heshiisiinayo beesha uu ka soo jeedo oo dagaal aano qabiil ah oo khasaare culus ay isku gaarsiiyeen maleeshiyaad kala taabacsan labo jifo oo walaalo ah