warar kaladuwan ayaa kasoo baxaaya dagaal udhaxeeya ciidamada xooga dalka iyo kuw dad degaanka iyo xubno katirsan kooxda al-shabaab ayaa ku dagaalamay degaano katirsan gobolka mudug.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya Dadka Deegaanka iyo ‘AS’ ayaa ku dagaalamay Deegaannada Jeex-Jeex & Buurta Yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka Caad iyo Camaara Koofurta Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Dagaalka waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac inkasta oo aanay ilaa hadda lasoo gudbin khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay, saraakiisha hoggaaminaya howlgalka ee dhinaca Dowladda waxa ay sheegeen in ay ‘AS’ ka qabsadeen deegaanno ay joogeen.
Howlgalka waxaa qayb ka ah ciidamo dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku kordhisay askarta ku sugan deegaannada dhaca Koofurta Gobolka Mudug ee Dowlad-Goboleedka Galmudug kuwaas oo katirsan Kumaandooska Gorgor.
WARAR KASOO KORDHAA LASOCO……..