Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Soomaaliya oo Geeriyootay…

llah ha u naxariistee, waxaa goordhow magaalada Jabuuti ku geeriyootay wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, sida ay ehelkeeda u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wasiirka ayaa la sheegay inay ku xanuusatay dalka Jabuuti, ayada oo ka mid ah wafdiga ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku sugan halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Khadiija ay maanta qalliin ku gashay dalka Jabuuti, ayada oo la qorsheynayey in loo qaado dalka Turkey, balse waxay ay geeriyootay waxyar kahor markii la rabay in la qaado.

Geerida Wasiir Khadiija ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay geerida Khadiija ayaa yiri “Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.”

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku tilmaamay Wasiir Khadiija mid kamid ah halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.